Dibadbaxyo TPLF looga soo horjeedo oo ka billowday Itoobiya

Dadweyne aad u fara badan ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada Caasimada u ah dalka itoobiya ee Addis Ababa iyo Magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Dibadbaxyo TPLF looga soo horjeedo oo ka billowday Itoobiya

ADDIS ABABA - Banaanbaxyo waaweyn, oo looga soo horjeedaa jabhada TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya, ayaa Maanta ka billowday Addis Ababa iyo Jigjiga, xarunta DDSI.

Dadkan ayaa u muuqda kuwa cabsi xooggan ka muujinaya xaaladda adag ee uu luguha la galay dalka itoobiya, oo dagaalka ka socda iminka uu sannad jirsaday.

Banaanbaxayaasha ayaa badankooda wata boorar uu ku xardhan yahay sawirka Ra'iisul wasaaraha itoobiya, kaasoo shalay sheegay in dadka itoobiyaanka looga baahan yahay naf-hurid ay qarankooda ku ilaashanayaan.

Kuwa banaanbaxaya ayaa sheegaya, in ay sii wadi doonaan dibadbaxyadan ay kaga soo horjeedaan TPLF, oo iminka ku dhaw in ay qabsato caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Xaaladda Itoobiya ayaa u muuqata mid sii adkaaneysa, iyadoo dhawaan 9 kooxood oo fallaago ah ay sheegeen, in ay ku biirayaan oo ay isbahaysi la sameysanayaan Jabhadda TPLF, oo muddo sannad ah dagaal kula jirtay xukuumadda Itoobiya.

Jabhadaha TPLF hogaaminayso ayaa qabsadey maalmo kahor magaalo katirsan gobolka Amhara, oo lagu magacaabo Kemise, taasoo Addis Ababa u jirta qiyaastii 200 Mile [321-KM].

Colaadda Itoobiya ayaa sababtay in diblomaasiyiinta ka cararaan Caasimadda oo 5 milyan ku nool yihiin, waxaana laga baqayaa in magaaladda ay soo galaan mucaaradka si kedis ah.

Tigreeda oo ah dadka ugu yar qowmiyadaha Itoobiya, islamarkaana tiro ahaan gaaraya 6 milyan ayaa saameyn ku leh dalka, iyagoo 30-kii sano ee lasoo dhaafay xukunka haystay.

Dadka Tigreeda lagama jecla wadanka, waayo waa kaligii-taliyeyaal aan arxan lahayn, iyadoo lagu xasuusto Muqdisho 2007-2010 xaquuqii ka geysteen iyo sida dadka ugu dili jireen Jeel Ogaadeen. Jigjiga xiligii Cabdi-Illey oo daba-dhilif u ahaa maamulkii TPLF.

Abiy Axmed ayaa ugu baaqey shacabka inay hubka qaataan oo dalkooda ka difaacdaan TPLF, waxaana dib loogu yeeray Ciidankii keydka iyo kuwii shaqada ka fariistay si dagaalka u galaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.