Dowladda Soomaaliya oo fariin Deg Deg ah soo saartey

Xamsa Saciid Xamsa, oo ah Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in la joogo waqtigii uu muuqan lahaa doorka Hay’adaha Gargaarka Caalamiga.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Soomaaliya oo fariin Deg Deg ah soo saartey

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaylo dhaan kasoo saartey xaaladda bini'aadanimo ee ka jirta wadanka, kadib markii roobab xooggan iyo fatahaaddo ay ku dhufteen gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Gedo.

Isagoo warbaahinta la hadlayay, ayuu xusay in Hay'addaha Gargaarka Caalamiga looga baahan yahay inay si deg deg ah ugu gurmadaan dadka shacabka ah ee saameynta ku yeesheen musiibooyinka jira, sida fatahaadda oo kumanaan qof ka barakacisay Afgooye, Balcad iyo Beledweyne.

 "Waxaa la joogo waqtigii uu muuqan lahaa doorka Hay’adaha gargaarka ku leeyihiin bad baadinta nolosha shacabka u baahan samafalka," ayuu yiri Wasiir Xamza, isagoo hadalkiisa raaciyay in dadka barakacay ay qabaan baahiyo Kala duwan ee Isugu JIra dhinaca cuntada iyo hooyga.

Mar uu ka hadlayay dabeylo xoogan oo ka socda badda, ayuu Xamza ugu baaqay kalluumeysatada Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan dabeylaha xiliga xagaaga socda, oo keeni kara in la waayo doomaha ay kalluunka kusoo qabsadaan.

Hay'adda UN OCHA ayaa soo saartey shalay Warbixin cusub oo ay uga hadashay Xaaladda roobabka iyo fatahaadaha dalka Soomaaliya xili qaylo dhaan jirto, oo dad badan ay qarka u saaran yihiin inay gaajo iyo macluul u dhintaan.

In ka badan 40 xaafadood ayay biyuhu ku fataheen, gaar ahaan Balcad iyo Afgooye, iyadoo ay ku baaba'een dhul beereed lagu qiyaasay 33,000 hecter. Dadka beeralayda ayaa soo wajahday xaalad aa du daran, maadaama ay dalagyadii ku waayeen fatahaadda, waxayna dalbanayaan kaalmo bini'aadanimo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.