Dulimaadyada Qaadka oo xayiraadda laga qaaday


Duulimaadyada caalamiga ah ee qaadka ayaa dib u bilaaban doono 8-da bishan oo ku beegan maalinta berri, oo Sabti ah, waxaana la sheegayaa in dib u furitaanka dullimaadyada lagu xiray shuruudo la xiriiro canshuur kordhin iyo ka taxadarka Feyruska Korona.

Warar Keydmedia Online
Dulimaadyada Qaadka oo xayiraadda laga qaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraaddii ka qaadday diyaaradaha Kenya Qaadka ka keeni jiray, sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo aan la hadalnay.

Xogta ayaa sheegeysa in shirkii shalay ee Gollaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya lagu ogolaaday In xayiraadda laga qaado diyaaradaha qaadka oo muddo shan bil ku dhow u xayirnaa Feyruska Korona, kadib dood laga yeeshay arintaan.

Duulimaadyada caalamiga ah ee qaadka ayaa dib u bilaaban doono 8-da bishan oo ku beegan maalinta berri, oo Sabti ah, waxaana la sheegayaa in furitaanka dullimaadyada lagu xiray shuruudo la xiriiro canshuur kordhin iyo ka taxadarka Feyruska Koroona.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Beeraleyda qaadka Kenya oo warbaahinta dalkaas la hadlay ayaa sheegay in heshiis laga gaaray xayiraaddi duullimaadyada Qaadka, isagoo xusay in maalinimada Sabtida dib loo bilaabayo, hase yeeshee shuruudo lagu xiray.

Shuruudaha lagu xiray ayuu sheegay in ay kamid yihiin kordhinta canshuurta laga qaado qaadka Soomaaliya, lagana dhigo 1-kg ($-3.5) halkii markii hore ay ka aheyd ($-1), dadka qaadka iibiya in ay kala fogaadaan 2 mitir iyo in ay xirtaan Gacmo gashi iyo weji xir [Face mask] si looga gaashaanto xanuunka COVID-19.

Dowladda Soomaaliya arintaan weli si rasmi ah uma shaacin, waxaana xusid mudan in todobaadkaan gudihiisa dib loo furay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, marka laga reebo kuwa Kenya.

Ka ganacsiga qaadka ayaa waxaa ku tiirsan Soomaali badan oo nolol maalmeed kasoo saarto, waxaana muddadii u xirnaa dalka loo keeni jiray qaab Suuqa madow ah oo dalka lagu soo gelin jiray, iyadoo dhanka badda lasoo marsiin jiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.