Duqeyn Culus oo ka socota Caasimadda gobolka Tigreega

Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay maalin kahor in la weerarao Caasimadda gobolka oo lagu magacaabo Mekelle, waxayna Ciidanka Federaalka billaabeen howlgal Militeri oo xooggan.

Warar Keydmedia Online
Duqeyn Culus oo ka socota Caasimadda gobolka Tigreega

ADDIS ABABA - Duqeymo culus ayaa lagu garaacay magaalo madaxda gobolka Tigreega ee Mekelle Maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen dawlada deegaanka iyo ilaha hay'adaha samafalka, iyadoo nus milyan qof oo ku sugan Magaaladda ay u diyaar garoobeen weerarka Ciidanka Militeriga Itoobiya.

Milatariga Itoobiya waxay bilaabeen inay hubka culus iyo madaafiicda ku garaacaan bartamaha Mekele", oo ah goobta ugu dambeysa ay malleeshiyaadka TPLF ay uga hareen gobolka oo intiisa kale lala wareegay.

Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize sanadkii hore, ayaa ku dhawaaqay 4-tii bishan hawlgallo militeri oo ka dhan ah xisbiga talada haya ee Tigray, ee Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

Abiy ayaa khamiistii ku dhawaaqay inuu amar ku bixiyay in weerar "kama dambeys ah" lagu qaado hoggaamiyeyaasha kooxda TPLF kadib markii uu dhamaadey 72 saac oo loo qabtey inay si nabad ah isku soo dhiibaan, waxaana militariga Itoobiya uu sheegay inay hareereeyeen magaalada Mekelle. 

In ka badan saddex toddobaad dagaallo qaraar oo ka dhacay gobolka, ayaa sababay dhimashada kumanaan qof "oo ay ku jiraan dad badan oo rayid ah iyo sidoo kale askar katirsan Ciidamada dowladda", Kooxda xasaradaha adduunka [ICG], ayaa sidaas sheegtay Jimcihii shalay.

Dadka u dhashay Tigreega ayaa ka dhigan 6% guud ahaan shacabka Itoobiya oo 110 milyan lagu qiyaaso, waxayna qowmiyadda ahayd mid saameyn ku leh siyaasadda iyo Ciidaka, iyadoo 27 sano xukunka wadanka haysteen.

Sababta loo weeraray ayaa ah inay isku dayeen dalka inay u horseedaan kala go', iyagoo qabtay doorasho aan sharci ahayn oo maamul cusub ku dhisteen xili Baarlamaanka fadhiya Addis Ababa dib u dhigay doorashooyinkii la filayay inay dalka ka dhacaan August 2020, kadib markii Cudurka COVI|D-19 dad badan dilay.

Tobanaan kun oo qaxooti ah ayaa ku qulqulay xadka Suudaan, gantaallo laga soo ganay gobolka Tigreega ayaa bartilmaameedsaday Caasimada dalka deriska la ah ee Ereteriya markii labaad habeenkii xalay, taasoo uga sii dartay cabsida laga qabo in dagaalka uu saameeyo xasiloonida Geeska Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.