Faah-faahin ku saabsan weerar ka dhacay Wanlaweyn

Ilaa hadda cid sheegatay majirto weerarka, balse Ciidamada amaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ku raad joogaan. 

Warar Keydmedia Online
Faah-faahin ku saabsan weerar ka dhacay Wanlaweyn

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa faah-faahinno dheeraad ah laga helayaa weerar Bambaano ah oo xalay fiidkii lagu qaaday hoyga guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdullaahi Koosto.

Guddoomiyaha ayaa la sheegayaa in uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray Weerar Qarax iyo rasaas ah ay hoygiisa kusoo qaadeen kooxo hubeysan oo la sheegay in ay dadka qaar ay toogteen kahor inta aysan meesha ka baxsan.

Ugu yaaraan shan ruux oo ay ku jiraan ilmo ayaa weerarka ku dhaawacmay, kuwaasoo la sheegay in dhamaantood ka tirsanaayeen qoyska guddoomiyihii geeriyooday, waxaana qaarkood lagu soo waramayaa in ay xaalad halis ah ku jiraan, dhaawacadoona daranyahay.

Maxamed Abuukar Cabdi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyadeeyay dilka loo geystay guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda degmada Walanweyn, waxaana uu sheegay in uu u geeriyooday bam gacmeed lagu weeraray Hoygiisa.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa ka tacsiyadeeyay Weerarkii lagu dilay Allaha unaxariistee Maxamed Cabdullaahi Koosto.

“Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose, ku xigeenadiisa iyo dhamaan howlwadeenada maamulka waxa ay tacsi u dirayaaan dhamaan qoyska iyo asxaabta Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar (Koosto) oo kooxo hubeysan ay ku weerareen hoygiisa islamarkaan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarka," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Najax.

Ilaa iyo hada lama oga cida ka dambeysay weerarka, haseyeeshee Ciidamada amaanka ayaa sheegay in wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay dilkaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.