Fahad Yaasiin oo Fashil dhexda uga jira

Taliyaha NISA ayaa wajahaya caqabado waaweyn, oo uga imaanaya hogaamiyaasha mucaaradka ee uu ku qancin la'yahay inay taageeraan qorshaha Farmaajo ee doorashadda iyo heshiiskii Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo Fashil dhexda uga jira

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu diiday la kulanka Fahad Yaasiin kadib markii uu ugu tagay goobta uu ka degan yahay magaaladda Muqdisho, isagoo isku dayayay inuu xaliyo is-mariwaaga u dhaxeeya Farmaajo iyo Jubbaland iyo Puntland.

Sababta uu Deni u diiday kulanka lama shaacin, laakiin wararka la helayo waxay sheegayaan in hogaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland ka biyo diideen in garab saddexaad uu soo dhex-galo iyaga iyo Farmaajo, waxaana sii xoogeysanaya khilaafka dhinacyada oo lagu waday inay shir ku yeeshaan Villa Soomaaliya.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wata shuruudo culus oo u cuntami waayay Farmaajo, kuwaasoo ay kamid yihiin inuu Ciidanka uu u diray Gedo di uga soo saaro iyo in Madaxda Maamullada kale kusoo biiraan wadahadallada, si heshiis cusub oo arrimaha doorashadda ku saabsan loo gaaro, iyadoo midkii Dhuusamareeb laga dhigayo waxba kama jiraan.

Fahad Yaasiin ayaa u suurta-gashay inuu la kulmo Axmed Madoobe, balse aan is-afgarad laga gaarin qodobada muranka ka taagan, maadaama hogaamiyaha Jubbaland uu ka shidaal-qaato Deni oo sii cuslaynaya Wadahadallada inay furmaan.

Waxuu aamusiyay shaqsiyaad badan oo Mucaaradka kamid ah, kuwaasoo ay kamid yihiin Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif kadib markii uu Muqdisho kula kulmay dhawaan, iyadoo Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed waxba ka dhihi karin howl uu Fahad wato.

Siyaasadda malahan cadow ama saaxiib joogto ah, waxaa laga yaabaa in Fahad Yaasiin doorashadda soo socota uu qof kale la yimaado, oo Farmaajo daaqadda ka bixiyo, maadaama uu yahay nin jilicsan oo seeftiisa af lahayn.

CC Shakuur ayaa sheegay in aan loo baahnayn magacaabista Ra'iisul Wasaare mar hadii agaasimaha NISA uu qabanayo howshiisa, islamarkaana ku dhexjiro siyaasadda, islamarkaana go'aaminaya doorashadda iyo cidda lala heshiinayo. [Halkan ka akhri Warbixin]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.