KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shirka Dhuusamareeb ayaa ah rajada kaliya ee go'aan looga gaari karo geeddi socodka cusub ee siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA] ayaa la ogaaday inuu kamid yahay xubnaha carqaladeynaya furitaanka Shirka Dhuusamareeb, oo aan weli go’aan laga gaarin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu kasoo dabcay go’aankiisa ahaa in ay dalka ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, kadib markii ay qadka taleefonka kula xiriireen xubno uu ka mid ah Fahad Yaasiin oo u sheegay in uusan marna ka tanaasulin go’aankiisa.
Xogta ay helayso Keydmedia Online ayaa sidoo kale sheegeyso in madaxweynaha loogu sheekeeyay in hadii uu aqbalo in dalka aado doorasho dadban uu isna dib ugu soo laaban doonin kursiga uu haatan ku fadhiyo ee Viila Soomaaliya.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha ay cadaadis ku hayaan rag ka tirsan siyaasiyiinta taageersan, isla markaana ku boorinayaan in uusan aqbalin qodobka ah in dalku aado doorasho dadban.
“Waxaan xog ku haynaa in rag uu madaxweynuhu ku kalsoonyahay ay ku cadaadinayaan in uusan aqbalin go’aanka inta kale isku raacsan yihiin oo uu markii hore u dabacsanaa, iyagoo tusaya sawir mugdi ah oo mustaqbalkiisa doorasho la xariira. Waxey kula talinayaan mar uun meesha ka soo lug bax, xili kale dib ha loo balamo, kaddibna sidii shirkii Somalia iyo Somaliland ee maalin dhowayd Jabuuti lagu qabtay ee labada toddobaad loo ballamay yaan dib la isugu soo laaban,” ayuu yiri ku yiri qoraal uu batiisa facebook soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Shakuur ayaa sidoo kale sheegay in arintan ay muujinayso sida la taliyeyaasha Farmaajo ay u marin habaabinayaan Madaxweynaha, isagoo xusay in talooyinka ay siinayaan ay yihiin kuwo uusan khasaare mooyee wax kale ka faa’iidi doonin.
Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa maalintii afaraad isku fahmi la’a nooca doorasho ee dalka, iyadoona laga yaabo in qodobkaas dartiisa shirka u fashilmo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.