Farmaajo iyo Madaxda Maamullada oo Shir kale u furmay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku biiray xalay kulanka, isagoo howlo shaqo ugu maqnaa magaaladda Gaalkacyo, ii Ciidan tababar ugu soo xiray.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo iyo Madaxda Maamullada oo Shir kale u furmay

MUQDISHO, Soomaaliya -Farmaajo iyo Madaxda Dawlad Goboleedyada dalka ayaa xalay Shir uga furmay xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, kaasoo daba socoda kulankii lagu gaarey heshiiska doorashadda ee lasoo afjaray 17-kii bishan.

Wararka hoose oo Keydmedia Online ka heshay shirka ayaa sheegaya in hogaamiyaasha ay kawada hadlayaan dejinta jadwalka doorashooyinka, dhismaha gudiga isku-dhafka ee maamuli doono doorashadda iyo gudiga xalinta khilaafaadka, oo BF soo jeediyay in la sameeyo.

Madaxda ayaa la filayaa in kulankooda uu sii socdo maalmo, maadaama arrimaha culus ay doonayaan inay go'aanno ka gaaraan, iyadoo Ra'iisul Wasaare Rooble isha lagu hayo goorta uu ku dhawaaqayo Gollahiisa Wasiiradda, ee hirgelin lahaa heshiiska doorashadda.

Doorashadda soo socota ayaa lagu heshiiyay in lagu saleeyo nidaamka qabiilka 4.5 [Afar beelood iyo bar], kaasoo mudo dheer lagu soo dhisayay dawladihii dalka soo maray tan iyo 2000, waxaana in laga habkan beelaha lagu xaqirayo hor-istaagay Farmaajo, oo aan ka shaqeynin mudadii xafiiska uu joogay in doorasho qof iyo cod ah dhacdo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.