Farmaajo oo safar ku tagey dal Ciidan u tababaraya

Eritrea ayaa si qarsoodi ah tababar u siisa Askar ku biirtay NISA, kuwaasoo uu diray Fahad Yaasiin oo xiriir dhaw mudo dheer la lahaa Asmara, laga soo billaabo xiligii Maxkamadaha Islaamiga.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo safar ku tagey dal Ciidan u tababaraya

ASMARA - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa saakay gaarey magaaladda Asmara, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay dhigiisa Eritrea Asaias Afwerki.

Farmaajo oo kasoo duulay Caasimadda South Sudan, ee Juba halkaasoo shalay ka qeybgalay heshiiskii nabadda Sudan ayaa gaarey Eritrea oo ku sugnaan doono labo maalmood ah.

Waxuu booqan doonaa Farmaajo saldhigyo lagu tababarayo Ciidan katirsan NISA, oo dalka Eritrea u diray Fahad Yaasiin, si loogu soo tababaro, kuwaasoo la sheegay inay u badan yihiin dhalinyaro si qarsoodi ah Muqdisho looga qaaday.

Markii ay soo dhowaatay doorashada, Musharixiinta waxay billaabeen safaro dibadda. Farmaajo ayaa saaka gaaray Asmara, halka Mucaarad ay ku sugan yihiin Dubai iyo Nairobi oo shirar ay ku leeyihiin. RW hore Xasan Cali Khayre ayaa gaarey Maanta Jabuuti.

Siyaasi kasta wuxuu raadinayaa dhaqaale uu doorashadd ku galo, iyadoo taasi ka dhigaysa in markii uu guuleysto inuu ka shaqeeyo danta dawladda maalgelisay ololihiisa, iyadoo ay ugu horeeyaan Imaaraadka iyo Qatar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.