Farmaajo oo diiday inuu ka jawaabo Su’aallo la waydiiyay

Farmaajo ayaa Qalbi Dhagax u dhiibay Itoobiya August 2017 kadib markii laga soo qabtay Galmudug, isagoo arintaas kula kulmay hoos u dhac sumcadda iyo taageeradda Shacabka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo diiday inuu ka jawaabo Su’aallo la waydiiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si toos ah usoo hor-fariistay Shacabka, isagoo uga jawaabay su'aallo ay ka waydiiyeen arrimaha siyaasadda hogaankiisa iyo doorashooyinka.

Laakiin, waxaa jira dhowr su'aallood oo ku adkaatay Madaxweynaha inuu jawaab toos ah ka bixiyo, kuwaasoo ay kamid ahaayeen dhiibistii Qalbi Dhagax August 2017, masiirka shacabka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag iyo faragelin laga baqayo inay Kenya ku samayso doorashada soo socoto.

Arinta Qalbi Dhagax wuxuu ku jawaabay "Mowduuca ayay ka baxsan tahay", mida Sool iyo Sanaag oo gabar waydiisay wuxuu yiri Farmaajo "way igu adag tahay kama jawaabi karo" halkan su'aasha faragelinta Kenya sheegay in waqtigeeda markii la gaaro ka hadli doono.

Waji-gabax iyo yaxyax ayuu kala kulmay Farmaajo doodii xalay Villa Soomaaliya soo agaasintay, maadaama uusan ahayn af-tahan aqoon hadaal ah, oo mudadii uu xafiiska joogay ka dhuuman jiray shacabka inuu si fool-ka-fool ah ula hadlo.

Waxay ahayd munaasabad dad gaar ah oo taageeriyaasha Farmaajo lagu casuumey, iyadoo aan su'aallaha qaar diiday Madaxweynaha inuu ka jawaabo, sababtoo ah kua jirin sida muuqata jawaabaha buugga ugu qornaayeen.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaadey Saxaafadda, isagoo sheegay in wariyeyaasha ay la shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab, iyadoo la ogyahay in xafiiskiisa uu xilal sare u magacaabey shaqsiyaad argagaxiso ah. [Halkan ka akhri].

KEYMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.