Farmaajo oo ka dalbaday Rooble in Jubbaland ka dhigo degaan Cadow heysto

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqey Ra'iisul Wasaaraha inuusan fulin dalabka Farmaajo, oo uu ku tilmaamay qar iska xoornimo iyo is-miidaamin siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ka dalbaday Rooble in Jubbaland ka dhigo degaan Cadow heysto

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kashifay xog xasaasi ah oo ku saabsan in Farmaajo uu ku cadaadinayo Ra'iisul Wasaare Rooble inuu Jubbaland u aqoonsado gobolka uu cadow heysto.

"Waxaan Xog-sugan ku helaynaa in MW Farmaajo uu ku cadaadinayo RW Rooble in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xorreeynayo. Haddii uu sidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin," ayuu yiri CC Shakuur.

Waxuu Musharaxa sidoo kale sheegay in Farmaajo uu go'aankan ka eegayo dantiisa gaarka ah, ee ku aadan doorashadda oo uu doonayo inuu kursiga kusoo laabto mar kale. Villa Somalia ayaa qorsheysay inay qabato doorashadda Garbahaarey ee Xildhibaanada, iyadoo u diiday inuu maamulo Axmed Madoobe.

Meelaha uu ku tashanayo Farmaajo inuu ka helo Xildhibaanno u codeeya Febuary 8, 2021 waxaa kamid ah Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo magaaladda Garbahaarey, oo beeshiisu degto, waxaana la diiday damaciisa aan u adeegaynin danta dalka iyo dadka.

Siyaaadda dibadda iyo tan gudaha midna Farmaajo kuma guuleysan inuu salka u dhigo mudadii 4ta sano ee uu xafiiska joogay, iyadoo hadda uu qori dab ah ku tuurey Kenya oo horey xiisadda kala dhaxasay Soomaaliya ahayd mid heerkii ugu hooseysay maraysa.

Mucaaradka wuxuu sheegay in Farmaajo uu arinta Kenya u adeegsanayo olole doorasho, waxayna ugu baaqeen inuu joojiyo dagaalka dibadda, ee uu ka shaqeeyo gudaha sida in Jubbaland Ciidanka DF kasoo saaro, lana bedelo gudiyadda doorashadda aan sharciga ahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.