Farmaajo oo Khayre ku carqaladeeyay Garoonka Muqdisho

Tan iyo markii xilka laga qaadey bishii lasoo dhaafay, waxaa jiray dagaal hoose oo Farmaajo kula jiro Khayre, isagoo ka ilaalinaya inuu sameeyo kulamo siyaasadeed iyo inuu dalka ka baxo, illaa uu xilka ka wareejinayo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo Khayre ku carqaladeeyay Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa is-hortaag ku sameeyay Xasan Cali Khayre, oo Ciidanka ilaaladda Garoonka si xun ula dhaqmeen xili uu doonayay inuu qeybta diblomaasiyiinta reer galbeed degan yihiin ee Xalane u gudbo.

Xogta Keydmedia Online heshay ayaa sheegaysa in gaariga Khayre la socday loo diiday inuu gudaha gallo, iyadoo taasi ka dhalatay dood dhexmartay ilaaladiisa iyo kuwa Garoonka, iyadoo markii dambe xaaladda lasoo dhexgalay, sidaasina RW hore loogu gudbiyay Xalane, oo kulan ku lahaa.

Siyaasiga C/raxmaan Cabdishkuur ayaa sheegay in arintan uu soo gaarsiiyay Wasiir katirsan Galmudug, oo Garoonka kasoo dhoofayay shalay xiliga la qash-qashaadayay Xasan Cali Khayre, isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Ra'iisul Wasaaraha loo adeegsado Ciidankii uu 3-da sano dhisayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Khayre kula dagaalay ka aragti duwanaanshihiisa doorashadda iyo inuu uga shakiyay maleegida qorshe loogala wareegayo xukunka waqtigiisa dhamaanayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.