Farmaajo oo la kulmay Madaxda Maamullada

Shirweynaha arrimaha doorashadda ayaa dib uga dhacay waqtigii loo balamay oo ahaa Maanta, waxaana la sheegay in Deni iyo Axmed Madoobe ay dalbadeen in lagu kulmo meel ka baxsan Villa Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan qado sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyneyaasha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Axmed Madoobe, Puntland Siciid Dani, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.