Farmaajo oo laga yaabo inuu xiriir la sameysto Israel

Mudo ku dhaw 4 sano waxaa siyaasadda Soomaaliya laga jaan-goynayay Qatar, oo u fadhiya Muqdisho wakiil awood badan leh, Fahad Yaasiin kaasoo go'aan uusan isaga ogeyn Farmaajo gaari karin.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo laga yaabo inuu xiriir la sameysto Israel

MUQDISHO, Soomaaliya - Keymedia Online ayaa heshay xogo diblomaasiyasadeed oo sheegaya in Farmaajo ogolaaday inuu cilaaqaad diblomaasiyasadeed la sameysto Israel, oo bishan gudaheeda heshiisyo noocaas ah la gashay Imaaraadka iyo Bahrain.

Hadii dowladda Qatar ay raacdo wadadii ay mareen Imaaraadka iyo Bahrain, waxaan shaki ku jirin inay dowladda Soomaaliya aqbali doonto cilaaqaadka Israel, maadaama xulufo la ahayd Doha tan iyo doorashadii Farmaajo 2017.

Trump ayaa ku cadaadinaya dalalka Khaliijka ee Mareykanka Ciidanka ka joogaan, islamarkaana dhinac amaanka ka ilaaliya Iran inay caadi ka dhigaan xiriirka Israel, taasoo isaga u ah guul uga soo hooyatay siyaasaddiisa dibadda, maadaama November 2020 u tartami doono kursiga mar labaad, isagoo rabo inuu helo codadka dadka Yahuuda ah.

Wargeyska The Times of Israel ayaa qoray dhawaan in Farmaajo uu kulan qarsoodi ah la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo Nairobi booqasho ku joogay, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal.

Mudo ku dhawaad 4 sano waxaa siyaasadda Soomaaliya laga jaan-goynayay Qatar, oo u fadhiya Muqdisho wakiil awood badan leh, Fahad Yaasiin kaasoo go'aan uusan isaga ogeyn Farmaajo gaari karin.

Saameyn xooggan ayay Qatar xiligan ku leedahay dalka, waxayna isku dayaysaa inay sii xoojiso, oo doorashadda soo socota keento Madaxweyne kale oo daba-dhilif u ah ama soo celiso Farmaajo, oo mudo-xileedkiisa 4 bilood ka dhiman.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa isna galaan-gal ku leh dalka siyaasadiisa, maadaama uu yahay deeq-bixiyaha ugu weyn ee taageerada siiya Maamulka Farmaajo, iyadoo ay ka joogaan Ciidamo dagaal kula jira argagaxisadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.