Farmaajo oo Rooble u gudbiyay liiska Wasiiro uu soo celinayo

Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan ku dhawaaqo Gollihiisa Wasiiradda Cusub, iyadoo la hadal-hayo inay soo laaban doonaan qaar kamid ah Xukuumadii Khayre.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo Rooble u gudbiyay liiska Wasiiro uu soo celinayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa socda qorsho uu Farmaajo ku doonayo in Wasiiradda ay saaxiibadda yihiin in lagu soo daro Xukuumadda uu soo dhisayo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida Illo Xog-ogaal ah u sheegeen Keymedia Online.

Wasiiradda uu wato Farmaajo ee la filayo inuu Rooble kusoo daro liiska, waxaa kamid ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo hadda haya xilka Wasiirka Warfaafinta, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyaradda, Jamaal Maxamed, Wasiirka Qorsheynta, Xasan Xuseen Jaamac, Wasiir Cadaaladda iyo Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac.

Waxuu Farmaajo ku doortay Wasiiraddan inay isaga daacad u yihiin, oo ay si indha la'aan ah u taageerayeen saddexdii sano iyo barkii tagey, waxaana qeyb ka ahaayeen shirqoolkii lagu riday RW Xasan Cali Khayre bishii July, maadaama Xildhibaanada yihiin, islamarkaanka u codeeyeen Mooshinka.

Rooble oo ah nin ku cusub siyaasadda ayaa ku jahwareersan cida uu soo celin lahaa iyo qofka oo eryi lahaa, maadaama xafiiskiisa uusan u madax-banaanayn inuu soo xusho Wasiiradda, isagoo faragelin kala kulmaya xafiiska Madaxweynaha, oo laga maamulo.

Loolan xoog leh ayaa socda oo loogu jiro Xukuumadda cusub, oo wasiir kasta oo hadda jooga uu ku dedaalayo inuu soo laabto, si ay ula dhameystaan waqtiga RW Rooble oo u haysta 4 bil.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.