Farmaajo oo kulan la leh Deni iyo Axmed Madoobe

Kulanka ayaa waxaa suurta-galiyay Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto  oo cadaadis ku saaray Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay Muqdisho yimaadaan, oo Farmaajo la fariistaan si loo dhameeyo khilaafka ka taagan doorashadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo kulan la leh Deni iyo Axmed Madoobe

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Farmaajo Cabdinuur Maxamed ayaa shaaciyay inuu Madaxweynaha Caawa furay kulankii Madaxda Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid C/llaahi Deni oo Muqdisho shalay soo gaarey.

"Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland. Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay," ayuu yiri Cabdinuur kahor inta uusan furmin shirka.

Kulanka ayaa dhacaya kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen diblomaasiyiinta ajnabiga ah ee ku sugan Muqdisho, oo uu ugu horeeyo Safiirka Mareykanka kaasoo 20-kii bishii August qas-wadiyaal ku tilmaamay Deni iyo Axmed Madoobe kadib markii ay diideen inay ka qeybgalaan shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxda HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa laga reebay kulanka Muqdisho, maadaama ay saxiixeen heshiiskii doorashadda, waxaana suurta-gal ah inuu dhacao shir guud oo xisbiyada mucaaradka iyo dhamaan dhinacyada kale ka qeybgali doonaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.