Farmaajo oo xilka ka qaadey inta badan Madaxdii gobolka Banaadir

Magacaabis badana ayuu sameynayaa Farmaajo xili mudo xileedkiisa uu sii dhamaanayo, islamarkaana uu wajahayo ceeb kasoo raacday fashilka hogaanka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo xilka ka qaadey inta badan Madaxdii gobolka Banaadir

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa xilalkii ka qaadey dhowr mas'uul oo katirsanaa maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasoo qaarkood lagu tuhmayo qaraxii lagu dilay Eng Yariisow, duqii hore ee Muqdisho.

Axmed Xasan Iimaan, oo ku magacaabanaa Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa xilka laga qaadey, waxaana lagu bedelay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud, sidoo kale waxaa shaqada laga eryay Maxamed C/llaahi Tuulah, oo ahaa Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, isagoo lagu bedelay Cali Cabdi Wardheere.

Cali Cabdi Wardheere [Cali Yare] ayaa ah madaxa borobagaandada Farmaajo ee baraha bulshadda [Social Media], isagoo ku caanbaxay difaacidda Nabad iyo Nolol dowladda la magac-baxday, ee wajahaysa fashilka dhanka hogaanka.

Madaxweynaha ayaa u magacaabey Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xili Mamaulka gobolka uu ku fashilmay soocelinta bilicda Caasimadda, oo wadooyinkeeda biyo buuxsamaan marka uu roob da'o, iyadoo ay ka muuqdaan burbur xoog leh, oo usii dheer nadaafad darro.

Shakhsiyaadkan la magacaabay ayaa waxay kamid yihiin rag aad ugu caan baxay in ay buun-buunin u sameeyaan madaxweyne Farmaajo, iyagoo ku ammaanaya howlkarnimo iyo wadatashi, waxaana lagu abaal mariyay xililkan cusub ee Gobolka Banaadir iyadoo lagu jiro xilli kala-guur ah oo ay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo u harsan tahay muddo ka yar 3 bilood.

Isku shaan-dheyntii tan ka horreysay ayaa dhacday intii uu xilka hayay Ra'iisulwasaare Xasan Cali Khayre, waxaana meesha laga saaray dhammaan shakhsiyaadkii ku dhawaa ama xiriirka wanaagsan la lahaa Mr. Kheyre, iyadoo lagu soo baddalay rag daacad u ah Famaajo.

Siyaasadda nuucan oo kale ah waa mid laga bartay hoggaanka dalka, in xilal laga safo dad saaxiibada dhaw la ah iyaga, sidoo kalena xil ka qaadista ragga loo arko in ay cadaw ku yihiin ayaa barbar socota.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.