Gabar la sheegay in Muqdisho laga afduubey oo hadashay

Cismaan Cali Hudeey, taliyaha booliska Guriceel ayaa sheegay in markii ay wareysteen gabadha ay xaqiiqsadeen inay rabitaankeeda ku socotay, oo ay kusii jeeday ehelkeeda oo ku nool degmada.

Warar Keydmedia Online
Gabar la sheegay in Muqdisho laga afduubey oo hadashay

GURICEEL, Soomaaliya - Hibo Maxamed Xasan, oo maalmo kahor waalidkeeda shaaciyeen in laga afduubey Muqdisho, ayaa lagu qabtey Shalay degmada Guriceel, ee gobolka Galgaduud iyadoo gaari saaran.

Saldhiga ayaa la geeyay, waxaana wareystay taliyaha booliska, Cismaan Cali Hudeey kaasoo sheegay in gabadhan oo 16-18 jir ah ay uga soo baxdey Muqdisho si iskeedda ah, iyadoo aysan ogeysiin waalidiinteeda.

Hibo ayaa sidoo kale afkeeda ka caddeysay inuusan jirin qof soo afduubey ama qasab uga soo kaxeystay Muqdisho, oo ay ku noolayd, waxayna intaasi ku dartay inay usoo dhuumatay ehelkeeda oo degan Guriceel.

Sheekadda gabadhan ayaa qabsadey mudo labo maalmood ah baraha bulshadda, iyadoo aad loo hadal hayay in la afduubey, laakiin aysan taasi noqotay, waxaana hadda cabsida ay daysay labadeeda waalid iyo qoyskeeda, oo markii hore ka welwelsanaa xaaladda ay ku sugan tahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.