Gollaha Amaanka oo fadhi ka yeeshay Doorashadda Soomaaliya

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 2540, oo ay si wadajir ah waxaa ugu codeeyay 15-ka xubnood ee golaha, kuwaasoo ka dalbaday UNSOM inuu ka shaqeeyo dhamaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Amaanka oo fadhi ka yeeshay Doorashadda Soomaaliya

NEW YORK - Gollaha Amniga ayaa Jimcihii shalay meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) sanad kale, illaa August 31, 2021.

Qaraarka 2540, waxaa si wadajir ah ugu codeeyay 15-ka xubnood ee gollaha, iyadoo laga dalbaday xafiiska UNSOM inuu ka shaqeeyo dhamaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Gollaha Amniga ayaa bogaadiyay doorka UNSOM ee taageeradda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta siyaasada loo dhan yahay iyo u diyaar garowga doorashooyinka 2021; geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxay ku booriyeen mas'uuliyiinta Soomaaliya inay abuuraan jawi ku habboon doorashooyin loo dhan yahay oo ka dhaca guud ahaan dalka, islamarkaana laga heshiiyo khilaafaadka siyaasadeed ee hadda jira.

Dowladda dhexe iyo Maamullada ayaa loogu baaqay inay sare u qaadaan wadatashiga ballaaran iyo dhisidda kalsoonida, iyadoo loo marayo qaabab wadatashi dhammaan heerarka kala duwan iyo labada Aqal ee Baarlamaanka arrimaha mudnaanta u leh qaranka.

UNSOM waxaa lagu aas-aasay qaraar Gollaha Amniga soo saarey bishii June 2013, si loo taageero Dowladda Federaalka. Waxuu xafiiska sidoo kale la shaqeeyaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, oo dagaal kula jira Al-Shabaab tan iyo 2007.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.