Gudiga doorashooyinka oo wali la dhisin iyo waqtiga oo dhamaanaya

Waxaa muuqata dib u dhac doorasho, maadaama aan jirin hal tallaabo oo loo qaadey dhanka diyaar-garowga dhismaha gudiga, lana diyaarin goobaha codbixinta.

Warar Keydmedia Online
Gudiga doorashooyinka oo wali la dhisin iyo waqtiga oo dhamaanaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Maamul Goboleedyada aysana wali si buuxda usoo gudbin xubnaha ugu matelaya gudiga isku dhafka ee doorashooyinka iyo midka khalinta khilaafaadka.

Waxuu qorshaha ahaa in 10-ka bishan la dhiso gudiyadda, kadibna la guda-gallo shaqooyinka kale ee doorashooyinka, sida diyaarinta ergadda, qalabka iyo goobaha codbixinta, waxaana muuqata inuu jiri doono dib u dhac.

Heshiiska doorashadda ee lagu saxiixay Muqdisho 17-kii September ayaa dhigaya in gudiyadda doorashooyinka lawada dhiso, iyadoo maamul kasta la siiyay afar xubnood oo matelaya, waxaana ku dhawaaqaya magacaabista Farmaajo.

Doorashadda Senator-ka ugu horeeyo waxaa lagu ballamay inay dhacdo 1-da December, oo hal bil ka harsan, waxaana jira Khilaaf cusub oo Farmaajo iyo Axmed Madoobe u dhaxeeya oo ku aadan degaanka doorashadda Garbahaarey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.