Hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka oo Shir uga furmaya Muqdisho

Shirkan ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan go'aanno ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta oo ka dhan ah qorshaha Farmaajo inuu ku shubto doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka oo Shir uga furmaya Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta mucaaradka ayaa maanta oo sabti ah ku kulmaya magaaladda Muqdisho, iyagoo kawada hadlaya arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan waxa ay ka yeelayaan hadii Farmaajo diido inuu bedelo gudiyadda doorashooyinka, ee aan dhex-dhexaadka ahayn.

Ajandaha ugu wayn Shirka oo 3 maalmood socon doono ayaa ah inay Musharixiinta codkooda ku mideeyaan diidmada gudiyadda lagu soo darey xubnaha NISA iyo shaqaalaha dowladda, oo aan lagu aamini karin doorashadda, waxayna ku baaqi doonaan in la dhiso gudiyo la isla ogol yahay, oo dhex-dhaxaad ah.

Qodobada miiska saaran waxaa kamid ah inay Musharixiinta ay qaadacaan doorashadda qeybgalkeeda, waxaana suurta gal ah inay ku dhawaaqaan gudiyo doorasho oo qaban doono doorasho kale, taasoo ah ifaafllo aan wanaagsan, oo keeni kara dagaal sokeeye.

Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo musharaxiin kale ayaa Muqdisho soo gaarey illaa Khamiistii, waxaana imaanashahooda xiisad siyaasadeed ka abuurtay Caasimadda.

Khayre ayaa ka digay dagaal sokeeye oo markale Soomaaliya ka dhaca, hadii aan la sameyn hanaan doorasho oo wada-ogol ah, islmarkaana lagu qaban doorashooyinka waqtigooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.