Itoobiya: Ciidan loo diray Tigreegga, Internet-ka iyo Isgaarsiinta oo la jaray

Xisbiga TPLF ayaa awoodda siyaasadeed iyo mida Militeri ee dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano kahor inta uusan Abiy Axmed uu xukunka la wareegin 2018-kii.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya: Ciidan loo diray Tigreegga, Internet-ka iyo Isgaarsiinta oo la jaray

ADDIS ABABA - Itoobiya ayaa foolanaysa dagaal sokeeye, kaas oo laga cabsi qabo inuu ka billowdo gobolka dhanka waqooyi ku yaalla ee Tigreegga, kadib markii Abiy Axmed uu Ciidamo Militeri u diray gobolka, oo sidoo kalena laga jaray Internet-ka iyo Isgaarsiinta.

Ciidamada Federaalka ayaa ee la geeyay gobolka ayaa ka dambeysay weerar dhawaan lagu qaadey saldhigyo Militeri, kaasoo dowladda Dhexe ku tilmaamay mid Xisbiga TPLF ee maamula gobolka ku doonayo inuu wadanka ku kala gooyo.

Kadib billooyin daan-daansi, TPLF ayaa qabatey doorasho heer gobol ah xili dib loo dhigay doorashadda guud ee dalka sababo la xiriira COVID-19, waxaana tallaabada mas'uuliyiinta gobolka qaadeen horseeday cabsi iyo inuu dalka Itoobiya qarka u fuulo dagaal sokeeye.

Abiy Axmed ayaa sheegay in TPLF ay "qadka-gaduudan kasoo gudubtay", islamarkaana ay dowladiisa kahor-tageyso wax uu ugu yeeray isku-day gobolka Tigreegga looga jarayo dalka Itoobiya. Qomiyadaha intooda badan aan ku qanacsanayn Xukuumadda Addis Ababa.

Dhowr askari ayaa lagu dilay weerarkiii kadhacay Mekele, caasimada waqooyiga gobolka Tigreega iyo magaalada Dansha. Gobolku waa meesha ugu xasaasisan Itoobiya, deriska la ah Ereteriya, oo dagaal dheer oo xuduudeed dhex maray ka hor inta aysan labada waddan nabadda qadan 2018. 

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa shalay xaalad deg-deg ah gelisay gobolka Tigreegga, taasoo socon doonto mudo 6 bilood ah. Abiy Axmed wuxuu sheegay in Ciidamada qaranka ay howlgallo ay ka fulin doonaan gobolka maalmaha soo socda, si ay uga hortagaan khatarta madax-banaanida dalka uga soo wajahan gobolka.

Xisbiga TPLF ayaa awoodda siyaasadeed iyo mida Militeri ee dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano kahor inta uusan Abiy Axmed uu xukunka la wareegin 2018-kii.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.