Itoobiya oo qarka u saaran dagaal Sokeeye

Mudooyinkii dambe gobollada qaar ayaa billaabey dhaqdhaqaaqyo gooni u goosad ah, oo ay uga soo horjeedaan dowladda uu hogaamiye Abiy Axmed.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo qarka u saaran dagaal Sokeeye

ADDIS ABABA - Dowladda Itoobiya ayaa xaalad deg deg ah gelisay gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray kadib markii uu halkaasi ka dhacay wax u muuqday isku-day afgembi, sida ay sheegtay warbaahinta dalka.

Xaaladda ban-dowga ah ayaa socon doonta mudo lix bilood ah, waxaana go'aankan soo saarey Gollaha Wasiiradda Itoobiya oo kulan gaar ah ka yeeshay xasaradaha ka taagan gobolka, oo dadka degan ay mucaarad ku yihiin dowladda Dhexe.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku amray Ciidanka Militeriga inay howlgal ka dhan ah Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay ka fuliyaan gobolka kadib markii weerar lagu qaadey saldhigyo Ciidan kadibna la biliqeystay qalabbkii yaallay.

Diyaaradda Eithiopian airlines ayaa maanta loo diiday inay duulimaad ku tagto gobolka, oo dowladda ka jartay adeeggii Internet-ka.

Dadka Tigreega ayaa ka dhigan 5% shacabka Itoobiya oo gaaraya 109 milyan, laakiin gobolka ay degaan ayaa ah mid qani ah, islamarkaana saameyn ku leh siyaasadda dalkan dhaca bariga Africa.

Bishii lasoo dhaafay, gobolka waxaa ka dhacday doorasho baarlamaanka cusub lagu dhisay iyo mid dowlad hoose, iyadoo maamulka halkaasi ka jira iska indha-tiray go'aankii Baarlamaanka ee dib loogu dhigay doorashooyinka guud ee dhici lahaa August 2020.

Qowmiyadaha Itoobiya ayaa kala irdhoobey, waxaana ka dhaxeeya qaarkood dagaalo mudo soo socday, iyadoo Xukuumadda Abiy tan iyo markii ay xafiiska timid 2018 isku dayaysay dib u heshiisiin sameyso, islamarkaana mideyso dalka kahor doorashadda.

Abiy ayaa lagu amaaney dedaallada uu sameeyay ee dib u habeynta dalkiisa, iyadoo abaal-marinta Nobel Peace Prize lagu siiyay heshiiska uu la galay Eritrea oo mudo 20 sano ah dagaal kala dhaxeeyay Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.