Itoobiya oo qarka u saaran Dagaal Sokeeye

Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa u muuqata mid cirka isku shareertay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna dalka Itoobiya qarka u saaranyahay dagaal sokeeye sidee Keydmedia Online soo qortay bilowgii todobaadkaan.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo qarka u saaran Dagaal Sokeeye

Itoobiya ayaa foolanaysa dagaal sokeeye, kaas oo laga cabsi qabo inuu ka billowdo gobolka dhanka waqooyi ku yaalla ee Tigreegga, kadib markii Abiy Axmed uu Ciidamo Militeri u diray gobolka, oo sidoo kalena laga jaray Internet-ka iyo Isgaarsiinta.

Ciidamada Federaalka ayaa ee la geeyay gobolka ayaa ka dambeysay weerar dhawaan lagu qaadey saldhigyo Militeri, kaasoo dowladda Dhexe ku tilmaamay mid Xisbiga TPLF ee maamula gobolka ku doonayo inuu wadanka ku kala gooyo.

Kadib billooyin daan-daansi, TPLF ayaa qabatey doorasho heer gobol ah xili dib loo dhigay doorashadda guud ee dalka sababo la xiriira COVID-19, waxaana tallaabada mas'uuliyiinta gobolka qaadeen horseeday cabsi iyo inuu dalka Itoobiya qarka u fuulo dagaal sokeeye.

Abiy Axmed ayaa sheegay in TPLF ay "qadka-gaduudan kasoo gudubtay", islamarkaana ay dowladiisa kahor-tageyso wax uu ugu yeeray isku-day gobolka Tigreegga looga jarayo dalka Itoobiya. Qomiyadaha intooda badan aan ku qanacsanayn Xukuumadda Addis Ababa.

Dhinaca kale Tigray laftirkooda ayaa wadda dhaqdhaqaaqyo lid ku ah go'aanka ka soo baxay Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed iyagaoo doonaya in ay iska difaacaan Dowladda dhexe. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.