Jubbaland sidee u aragtaa ansixinta heshiiska doorashadda?

Axmed Madoobe ayaa si deg deg ah usoo dhaweeyay heshiiska ansixintiisa, isagoo ku tilmaamay go'aanka Baarlamanka mid taariikhi ah, oo horseedaya doorasho xor iyo xalaal u dhacda.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland sidee u aragtaa ansixinta heshiiska doorashadda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Daqiiqado kadib markii la meel-mariyay heshisikii doorashadda qaranka, waxuu xafiiska Madaxweynaha Jubbaland soo saarey war qoraal ah oo uu kusoo dhaweeyay go'aanka Baarlamanka.

"Waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu ku baaqay Axmed Madoobe in la dardar-geliyo howlaha dhiman maadaama heshiiska uu ansax noqday, lagana dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa mudo maalmo ah kulamo siyaasadeed kawadey Muqdisho kadib markii lasoo gaba-gabeeyay Shirkii ay la yeesheen Farmaajo 17-kii bishan, waxayna Xildhibaanada ku qal-qaaliyeen inay ansixiyaan heshiiska doorashadda.

Heshiiska cusub, ayaa yimid kadib markii dowladda Mareykanka cadaadis ku saartay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya inay qabato shir loo dhan yahay, oo go'aan midaysan looga gaarayo hanaanka doorashadda, oo khilaaf ka taagnaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.