Jubbaland oo la timid 5 shardi oo cusub

Waxaa kamid ah shuruudaha in Farmaajo uusan qeyb ka noqon hanaanka doorashooyinka, maadaama uu lamid yahay Musharixiinta kale.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland oo la timid 5 shardi oo cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa soo saarey Maanta 5 shardi oo uu ku xiray ka qeybgalka Shirka arrimaha doorashooyinka ee ka furmay Villa Somalia, kaasoo ay ku sugan yihiin Guudlaawe, Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor.

Axmed Madoobe shuruudihiisa waxay kala yihiin:

1 - In DF raali-gelin ka bixiso weerarkii lagu qaadey Musharixiinta iyo Madaxdii hore,

2 - In Shirka lagu casuumo dhamaan dhinayada kala, sida Mucaaradka

3 - In lagu qabto Shirka meel amni ah, oo Beesha caalamka damaanad qaadayso

4 - In la helo damaanad-qaad in la fulin doono wixii lagu heshiiyo

5 - In Farmaajo uusan wax feker ama kaalin ah ku yeelan hanaanka doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.