Jubbaland oo shuruud ku xirtay gudbinta xubnaha gudiyada doorashada

Maxamuud Sayid Aadan, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in inta Farmaajo uu ka saaro Ciidanka DF gobolka Gedo aysan diyaar u ahayn inay ka qeybgalaan doorasho.

Warar Keydmedia Online
Jubbaland oo shuruud ku xirtay gudbinta xubnaha gudiyada doorashada

KISMAAYO, Soomaaliya - Jubbaland ayaa markale ku celisay diidmadeeda ku aadan ka qeybgalka doorashooyinka soo socda, oo ay dhaliilsan yihiin qaabka uu Farmaajo u xulay xubnaha gudiyadda, oo NISA iyo Shaqaalaha DF lagu soo daray.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in qaabka uu wax u wado Farmaajo, oo ah nidaam aan kuwada qanacsanayn saamileyda siyaasadda dalka, oo si cad uga soo horjeestay hanaanka doorashadda Villa Somalia dejisay.

Shuruudaha Jubbaland ayaa ah in Ciidanka DF laga soo saaro Gedo, laguna weareejiyo maamulkii horey uga jiray iyo in la saxo qaladaadka ka jira dhismaha gudiyadda doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Waxuu ku baaqey in Cabdi Xaashi, gudoomiyaha aqalka sare loo ogolaado inuu soo dhiso gudiga doorashadda Xildhibaanada gobollada waqooyi [Somaliland], oo Farmaajo afduubey si uu usoo saaro Xildhibaano isaga u codeeya.

Farmaajo ayaa doonaya inuu qabto doorasho isaga ku guuleysan kara, ma doonayo tartan xalaal ah oo loo dhan yahay, islamarkaana ay qabanayaan gudiyo dhex-dhexaad ah oo dhinacyada isla soo xuleen.

Fahad Yaasiin ayaa wacad ku maray inuu soo celin doono Farmaajo, isagoo diyaariyay hanaan isaga uu maamulayo, wuxuuna qortay liiska Xildhibaanada ee ka imaana doono Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in doorasho aan ku dhici karin qaabkan afduubka ah ee uu wado Farmaajo, isagoo ka digay dhibaato ka dhacda dalka hadii aan la fulin heshiiskii 17-kii September lagu gaarey Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.