Khayre iyo Qoor Qoor oo kulan gaar ah yeeshay

Khayre ayaa lagu xasuustaa inuu dedaallo badan ku bixiyay doorashadii Galmudug Febuary 2020 ee lagu doortay Qoor Qoor oo soo noqday Wasiiru dowalaha howlaha guud ee Xukuumadiisa.

Warar Keydmedia Online
Khayre iyo Qoor Qoor oo kulan gaar ah yeeshay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka qaranka.

"Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Qoor Qoor. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa," ayuu Khayre ku yiri qoraal uu Twitter-ka soo dhigay.

Khayre ayaa xilka laga qaadey 25-kii July ee sanadkan kadib markii mooshin kalsoonid kala noqosho ah, oo Xildhibaanada u codeeyeen, isagoo Ra'iisul Wasaaraha howlo shaqo ugu maqan magaaladda Dhuusamareeb.

Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ayuu Khayre kulamo kula qaadanayay maalmihii lasoo dhaafay mas'uuliyiin kala duwan, kadib markii uu ku dhawaaqay todobaadkii tagey inuu yahay musharax xilka Madaxweynaha, una tartamayo doorashadda soo socota.

Farmaajo iyo Khayre ayaa ku kala irdhoobey loolanka awoodda, iyadoo labada Mas'uul oo ku dhawaad 4 sano isla soo shaqeynayay ku kala aragti duwanaadeen doorashada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.