Khayre oo la kulmay Jawaari

Khayre ayaa kaalin mug wayn ka qaatey xil ka qaadistii Jawaari xiligaas oo dalka ka weecday dhabihii dowladnimada, iyadoo gollihii sharci-dejinta howlgab laga dhigay, oo Xukuumadda awoodiisa la wareegtay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabiley gudoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Labada mas'uulka oo Farmaajo kasoo eryay xafiiska ayaa iska wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo mugdi badan ku geedaaman qabsoomidooda, waxayna dhanka kale isku afgarteen inay yeeshaan xiriir iyo wada-shaqeyn dhaw.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.