Khayre oo safarkii ugu horeeyay dibadda uga baxay Muqdisho

Waa Safarkiisii ​​ugu horreeyay oo dibadda ugu baxo tan iyo markii xilka laga qaaday July 25.

Warar Keydmedia Online
Khayre oo safarkii ugu horeeyay dibadda uga baxay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa safarkiisii ugu horeeyay maanta ugu ambabaxay Jabuuti, halkaasoo la filayo inuu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaas.

Waa Safarkiisii ​​ugu horreeyay oo dibadda ugu baxo tan iyo markii xilka laga qaaday July 25, ee 2020. Khayre waa Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha, wuxuuna la tartami doonaan Farmaajo doorashadda 2020-21.

Khayre wuxuu ahaa nin awood & saameyn ku leh dawladda, haddana waa musharax u muuqda mid ay ka tageen “saaxiibadiisa” badankood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.