KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Farmaajo ayaa walaac wayn ka qaba in Khayre uu uga adkaado doorashadda, maadaama uu ka dhaq-dhaqaaq iyo saameyn wanaagsan yahay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Dabeyl doorashadda ayaa ka billaabatay Muqdisho, iyadoo wadooyinka lagu arkayo boorarka Musharaxiinta, iyado huteellada ay ka socdaan shirar iyo xaflado siyaasiyiinta mushraxnimadooda ku shaacinayaan.
Xasan Cali Khayre ayaa si xooggan olole uga billaaay Caasimadda, iyadoo xafiiskiisa ka shaqeynayo inuu diiwaangeliyo taageeriyaasha, oo u badan dhalinyaro qeyb ka noqonaysa xisbigiisa cusub ee HIIGSI IYO HORUMAR.
Waxaa lagu wadaa in bishan Muqdisho soo gaaraan dhamaan musharaxiinta damaca uga jiro xilka Madaxweynaha, iyadoo warar hoose oo KON helayso ay sheegayaan inay yeelan doonaan shir wayne ay uga hadli doonaan doorashadda iyo gudiyada lagu soo daray NISA iyo shaqaalaha dowladda.
Khayre ayaa xilka laga qaadey July 25 kadib mooshin 7 daqiiqo Gollaha Shacabka ku meel-mariyay, oo kalsoonida loogala noqday Xukuumaddiisa oo saddex sano iyo bar soo shaqeynaysay. Xilka qaadista Ra'iisul Wasaaraha ayaa timid kadib khilaaf isaga iyo Farmaajo soo kala dhexgalay.
Waxaa lagu soo waramayaa in Musharaxiinta ay ku dhawaaqi doonaan gudi doorasho, hadii uusan Farmaajo ka saarin gudiyadda uu dhisay xubnaha aan dhexdhexaadka ahayn, ee uu doonayan inay codadka ugu shubaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.