KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
"Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa," ayuu yiri Xasan Cali Khaire.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Cali Khayre ayaa si rasmi ah raaligelin uga siiyay C/raxmaan Cabdishakuur Warsame weerarkii NISA ku qaadey hoyga uu ka degan yahay Muqdisho 17-kii December 2017, kaasoo lagu dilay 5 kamid ahaa ilaaladiisa, isagana lagu dhaawacay.
Raali-gelinta ayaa timid kadib kulan ka dhacay xalay guriga hogaamiyaha Wadajir CC Shakuur kaasoo uu ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, oo ay la socdeen Shariif Xasan iyo Xildhibaanno.
"Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay. Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa," ayuu Khayre ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay.
CC Shakuur ayaa ka aqbaly Khayre reeli-gelinta, isagoo yiri: "Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017".
Waxuu ugu baaqay inay ka faa'idaystaan mas'uuliyiinta kale ee dawlada Farmaajo ee weerarka ku lug lahaa in ay fursadan oo kale weli u furan tahay, dadkaasoo ay kamid yahiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Saadaq John.
Khayre ayaa raali-gelinta bixiyay kahor inta uusan furmin kulanka wadatashiga Musharaxiinta oo 3 maalmood socon doono, kaasoo ay uga qaadan doonaan go'aan mideysan gudiga doorashadda ee lagu soo daray xubnaha Sirdoonka iyo Shaqaalaha dowladda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.