Khayre oo weli caddeyn Mowqifkooda ku aadan Doorashada

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa isku khilaafsan in doorashadda la qabto iyo in dib loo dhigo, waxayna arintaas sababtay kala qeybsanaan madaxda Villa Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Khayre oo weli caddeyn Mowqifkooda ku aadan Doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis xooggan, oo suurtgal tahay inuu xilka ku waayo, kadib markii ay Farmaajo isku khilaafaan arrimaha doorashadda dalka.

Khayre oo dhawaan kasoo laabtay Qatar, ayaa kulan la qaatey Gollahiisa Wasiiradda maanta oo Khamiis, isagoo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo doorashadda ku saabsan xili laga sugayo inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan go'aankii Xaliima Yareey ee mudo kordhinta Dowladda.

Madaxweynaha oo kaashanaya Guddoonka Gollaha Shacabka Maxamed Mursal iyo C/wali Muudey iyo Guddiga Doorashada Qaran, ayaa qorsheynaya in hal sano uu ku-darsada markii uu dhamaado mudo-xileedkiisa 4ta Sano, oo ku eg February 2021.

Labo arin baa hortaalla Khayre oo kala ah inuu taageero dib u dhigista doorashadda ama xilka iska-casilo, sidaasi waxaa Keydmedia Online u sheegay illo ku sugan Villa Soomaaliya, oo diiday in magacooda la shaaciyo.

Fahad Yaasiin, oo ah shaqsi awood badan ku leh DF ayaa la sheegay inuu wado qorsho Khayre meesha looga saarayo Khayre, isagoo doonayo inuu xilka ku qanciyo mucaaradka dowaldda ku kacsan, si ay ugu ogolaadaan Farmaajo mudo kordhinta la qorsheeyay.

Wali Khayre iyo Farmaajo midkoodna maku dhawaaqin xisbi siyaasadeedkiisa, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ay gudiga doorashadda u direen Xisbi ugu magacdareen Nabad iyo Nolol, oo ku caanbaxday Xukuumadda Kheyre.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.