Khilaaf ka tagaan Shirka Muqdisho iyo qodobo la isku mari la’yahay

Wadahadalada doorashooyinka ee kasocda magaalada Muqdisho ayaa qaatay ku dhawaad hal Isbuuc, iyadoo aan wali wax heshiis ah laga gaarin hanaanka doorashooyinka, wali dhinacyada isku afgaran la'yihiin qodobada qaar.

Warar Keydmedia Online
Khilaaf ka tagaan Shirka Muqdisho iyo qodobo la isku mari la’yahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa maalintii 3aad kula shiraya Madaxda Dowlad Goboleedyada Xarunta Madaxtooyada Qaranka, iyadoo la isku mari la'yahay qodobada qaar ee la xiriira heshiiskii Dhuusamareeb ee doorashadda.

Wadahadalada oo furmay Axadii ayaa saldhig u ah helitaanka qaab doorasho [election model] oo loo dhan yahay, wuxuuna Farmaajo isku dayayaa inuu ku qanciyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay aqbalaan heshiiskii hore, laakiin taasi diidmo kala kulmay.

Wakiiladda Beesha Caalanka ayaa ugu baaqay dhinacyada inay gaaraan heshiis deg deg ah oo wado-ogol ah, islamarkaana meesha laga saaro arrimaha hor istaagan geedi socodka looga gudbayo xiliga kala-guurka ah.

Maadaama dalka waqtigii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada kasii dhamaanayo, haddana waxaa jira rajo ay mucaaradka qabaan oo ah in la qabto nooca kasta oo doorasho oo suurta-gal ah, si looga fogaado dib u dhac iyo mudo korarsi.

Qodobada khilaafka ka taagan ayaa waxaa kamid ah in Farmaajo uu doonayo in loo daayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka arrimaha qabashadda doorashadda, taasoo Madaxda kale ay ka biyo diidan yihiin, iyagoo soo jeediyay in gudi ka kooban dowladda dhexe iyo maamullada howsha codbixinta qabtaan.

Sidoo kale waxaa la isku hayaa tirada codbixiyaasha, oo madaxdii ku kulantay Dhuusamareeb ugu heshiiyeen in laga dhigo 301 ergo oo Xildhibaan kasta soo dooranaysa, iyadoo Axmed Madoobe iyo Deni ay soo jeediyeen in laga yareeyo oo la geeyay 100 illaa 150 ergo.

Markii xaaladda kululaatay, oo wadahadallada qarka u saarnaayeen inay burburaan, Safaaradda Mareykanka ayaa u yeertay hogaamiyaasha Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed oo lagu yiri: "Ogolaada qodobada heshiiskii Dhuusamareeb".

Heshiiskii Dhuusamareeb ayaa waxaa ku jira in doorashooyinka lagu qabto 4 goobood maamul kasta, laakiin arintaas waxaa diiday Madaxda qaar oo raba in sidii hore laga dhigo oo kaliya Caasimadaha Maamullada lagu doorto Xildhibaanada.

Xaliima Yarey ayaa 3 bilood kahor u sheegtay Gollaha Shacabka in dalka aysan ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah, iyagoo xusay inay u baahan yihiin ilaa 13 bilood si ay diyaar ugu noqdaan howsha.

Warkii Xaliima ayaa dad badan u fasirteen in loogu gogol xaarayay mudo-korarsiga Farmaajo, oo doonaya in hal ama labo sano oo kale xafiiska sii joogo, islamarkaana qabto nooc doorasho oo uu kusoo laaban karo.

Walaaca jira ayaa ah in Farmaajo uu qaban waayo doorasho sanadkan, oo dalka ka dhacaan fowdo iyo qalalaase siyaasadeed oo hor leh, islamarkaana meesha ka baxdo dowladnimada Soomaaliya oo mudo laga soo shaqeynayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.