Khilaafka Farmajo iyo Axmed Madoobe oo dib usoo noqday

Xiisadda siyaasadeed ee soo cusboonaatay ayaa laga cabsi qabaa inay carqaladayso doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamanka soo socda ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Khilaafka Farmajo iyo Axmed Madoobe oo dib usoo noqday

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisad hor leh ayaa ka dhex bilaabatay Jubbaland iyo Villa Soomaaliya, taasoo salka ku haysa arrimaha gobolka Gedo, oo dawladda Federaalka mudo dheer faragelin ku haysay.

Sarkaal katirsan Jubbaland, oo magaciisa ka gaabsadey ayaa u sheegay Keydmedia Online in Axmed Madoobe uu ka dalbatay Farmaajo in Ciidanka DF uu kasoo saaro Gedo, hadii uu doonayo in doorasho ka dhacdo gobolka.

Axmed Madoobe ayaa aaminsan inuusan maamuli karin doorashadda Xildhibaanada laga soo dooranayo Gedo, hadii dawladda Dhexe ay gacanta ku hayso degmada Garbaaharey, oo ah degaan doorashadda labaad ee Jubbaland.

Heshiiskii doorashadda ee lagu gaarey Muqdisho 17-kii September ayaa dhigaya in Maamul Goboleed kasta labo magaalo ay ka dhacdo doorashadda, Caasimadda iyo magaaladda labaad ee ugu wayn, iyadoo Jubbaland lagu qaban doono Kismaayo iyo Garbahaarey.

Waxaa jira tartan xoog leh oo Farmaajo iyo Axmed Madoobe ugu jiraan Xildhibaanada ka imaan doono Gedo, oo Garbahaarey lagu soo dooranayo, kuwaasoo ka imaanaya beelaha degan gobolka, oo aan taageersanayn Maamulka Jubbaland ee fadhiya Kismaayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.