KON EXCLUSIVE:

Afar nooc doorasho oo lasoo saaray Miiska Shirka Dhuusamareeb 3

Farmaajo oo mudo-xileedkiisa 5 bilooda uga hartay, ayaa lagu eedeeyay inuu ka caga-jiidayo fulinta heshiisyada siyaasadeed ee horey loo gaaray kuwaas oo ku saabsanaa doorashooyinka dalka, oo qarka u saran dhici waayaan November 2020.

Warar Keydmedia Online
Afar nooc doorasho oo lasoo saaray Miiska Shirka Dhuusamareeb 3

DHUUSAMAREEB – Keydmedia Online ayaa ogaatay noocyada doorasho ee Guddiga isku-dhafka ee Ka-baaraan degga Doorashooyinka dalka kusoo bandhigeen magaaladda Dhuusamareeb, August 17.

Guddiga ayaa la wadaagay Farmaajo iyo Madaxda Dowlad-Goboleed nuxurka daraasadda ay sameeyeen ee ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan sharciga doorashooyinka ee la meelmariyey.

Mucluumaad hoose oo KON ka heshay Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa sheegaya in Madaxda ku kulansan halkaasi ay qaadan doonaan mid kamid ah afartan nooc ee hoos ku xusan, iyadoo u badan tahay in waqtiga doorashadda lagu dari doono dhowr bilood [Technical extension].

1 - Doorasho dadban oo la kordhiyey tirada codbixiyeyaasha, lagana dhigo 101-1000, taasoo ergada ay isla soo xulayaan odayaasha, iyo bulshada rayidka, wadajirka loo doornayao xildhibaannada oo dhici karta kahor February 2021-ka.

2 - Doorasho isugu jirta toos (Qof iyo Cod) iyo mid dadban oo degaanada qaar ka dhaceysa, qaar kalena loo qabanayo, waxaana codeynaya dad ka badan Hal Milyan oo lagu qaban karo ilaa July 2021.

3 - Qof iyo cod (Biometric), oo ay codeeyaan ka badan 3 milyan qof, oo qaadaneysa 13 bil – Talo soo jeedintii Guddiga Doorashooyinka.

4 - Qof iyo cod oo Is-diiwaangelinta iyo codeynta isla maalinta dhaceysa 3 ilaa 4 milyan oo qaadaneysa 9-12 bilood.

Saamileyda siyaasadda iyo saaxiibadda beesha Caalamka ayaa si isku mid ah ugu baaqey Madaxweyne Farmaajo inuu qabto doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda, kana turjunto hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo oo mudo-xileedkiisa 5 bilooda uga hartay, ayaa lagu eedeeyay inuu ka caga-jiidayo fulinta heshiisyada siyaasadeed ee horey loo gaaray kuwaas oo ku saabsanaa doorashooyinka dalka, oo qarka u saran dhici waayaan November 2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.