Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Daynuunay

Ugu yaraan 5 ruux oo uu ku jiro abaan duulihii qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamed Isxaaq Aadan ayaa ku geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacay Deynuunaay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, walow aan khasaaraha dhinaca Al-Shabaab laheynin.

Warar Keydmedia Online
Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Daynuunay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasis Maxamed Xasan Laftagareen ayaa ka tacsiyadeeyay askartii iyo saraakiishii ku geeriyootay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray shacabka iyo eheladii ay ka baxeen, isagoo sheegay in Ciidamada ahaayeen naftood hurayaal u istaagay bad-baadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed, kuna baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka Al-Shabaab.

"Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan Saraakiishii iyo Ciidamadii ku shahiiday dagaalkii dhacay deegaanka Deynuunaay, Saraakiisha iyo Ciidamada geeriyooday waxa ay ahaayeen naftood hurayaal maalin iyo habeen u taagnaa difaaca dadkooda iyo dalkooda," ayuu yiri laftagareen.

Al-Shabaab ayaa shalay aroortii hore weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Deynuunaay oo 26-KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayay Al-Shabaab saacado kooban kula wareegeen gacan ku heynta saldhiga, iyagoo saanad Milateri iyo hub ciidan ka qaatay saldhiga kahor inta aysan Ciidamada dowladda gurmad soo gaarin sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal ah oo aagga ku sugan.

Ugu yaraan 5 ruux oo ku jiro abaan duulihii qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Isxaaq Aadan ayaa ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay Deynuunaay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, walow aan khasaaraha dhinaca Al-Shabaab lahaayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.