Kulamo siyaasadeed oo ka socda Muqdisho

Kulamadaan ayaa u dhaxeeyo masaxda maamul goboleedyada iyo Xildhibaanada ku metela Baarlamaanka Soomaaliya. 

Warar Keydmedia Online
Kulamo siyaasadeed oo ka socda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulamo heshiis siyaasadeed taageero loogu raadinayo doorashada 2020/21 ayaa maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga dhacayay magaalada Muqdisho.

Kulamadaan ayaa u dhaxeeyo madaxda dowlad goboleedyada iyo xildhibaanada laga soo doortay deegaannadooda, waxaana taageero loogu raadinayaa ansixinta heshiiskii dhawaan DFS iyo DG go'aan uga gaareen nooca doorasho ee dalka 2020/21.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa dhamaantood la kulmay xildhibaanada ku metela baarlamaanka Soomaaliya, iyagoona ka codsaday in la meel mariyo heshiiskii dhawaan laga soo saaray kulamadii ka dhacay Villa Soomaaliya.

Maanta oo ugu dambeysay madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa kulan qado ah la yeeshay Xildhibaannada laga soo doorto Koofur Galbeed. Waxaa kulanka googjoog ka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Muudey, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan qeyb ka aheyn kulamadaan Muqdisho ka socdo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.