La kulanka RW Rooble oo lacag laga dhigay

Waa arin ku cusub xafiisyadda madaxda sare ee dalka, waxaana hadda ay billaabeen dadka u qaabilsan protocol-ka RW Rooble inay dadka weeydiiyaan lacag si loogu balamiyo.

Warar Keydmedia Online
La kulanka RW Rooble oo lacag laga dhigay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali C/llaahi Cosoble, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in qof kasta oo rabo inuu la kulmo Ra'iisul Wasaare Rooble in qeybta pratacol-ka ay waydiinayso $300, si gudaha loogu gudbiyo.

“Ra'iisul wasaare Rooble wuxuu noqday Ra'iisul wasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocol-ka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag $300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah," ayuu yiri Cosoble.

Cosoble ayaa sheegay in dadka safka ugu jira la kulanka RW Rooble ay inta badan bixiyaan lacagtaas, hadii kalena ay kugu adkaanayso inaad aragtid Ra'iisul Wasaaraha, oo hadda ku mashquulsan soo xulista Gollaha Wasiiradda.

Villa Soomaaliya waxaa degan Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, Gudoonka Baarlamanka, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xaliima Yareey, waxaana jira mas'uuliyiin kale oo ku nool dhismahan amaankiisa aadka loo ilaaliyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.