Lacag sharci darro ah oo laga qaado dadka ka safra Garoonka Muqdisho

Horey waxaa u jiray gaadiid loo sameystay rakaabka diyaaradaha raacaya, oo inta u dhaxaysay Garoonka iyo KM4, oo wax isku jira looga qaado lacag gaaraysa $6 illaa, waxaana ka shaqeeya basaska Shirkada SAHAL.

Warar Keydmedia Online
Lacag sharci darro ah oo laga qaado dadka ka safra Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Markii uu Cudurka Coronavirus-ka Soomaaliya soo gaarey, waxuu dalka galay dhibaato cusub taasoo laga dhaxlay shaqo la'aan dad badan soo wajahday kadib markii duulimaadka diyaaradaha la joojiyay iyo goobihii waxbarashadda oo la xiray.

Musiibada dad baa mashruuc u noqotay, waxay saraakiil katirsan Wasaaradda duulista furteen xafiis dadka ka duulaya COVID-19 looga baaro, taasoo qof kasta oo musaafur ah looga qaado $30, waxayna xaruntan ku taalla dhabarka dambe ee SHAMO hotel.

Waxaa lagu magacaabaa xarunta dadka lagu baaro MEDIPARK, waa dhibaato kale oo kusoo korartay dadka shacabka ah ee ka safra Garoonka, iyadoo dowladda dhaqaale badan ka hesha WORLD iyo WHO oo ka caawiya la dagaalanka Coronavirus-ka, waxaana loogu tala-galay in adeegyada si lacag la'aan ah loogu sameeyo dadka.

Qofka markii uu rabo inuu diyaarad ka raaco Garoonka, waxaa loo sameeyay wadooyin badan oo lacag looga qaado, sida gaadiid kasoo qaada KM4 iyo meel COVID-19 looga baaraya, iyadoo ay jiraan lacago kale oo gudaha lagu bixiyo, oo sharci darro ah.

Horey waxaa u jiray gaadiid loo sameystay rakaabka diyaaradaha raacaya, oo ka shaqeeya inta u dhaxaysay Garoonka iyo KM4, waxaana ka shaqeeya basaska Shirkada SAHAL.

Dadka rakabka ah ee ka dhoofaya garoonka ee u dhoofaya Gobolada dalka ya wxaa laga qaadaya $6 halka dadka u dhoofaya dalka debaddiisa laga qaadayo $11, Shirkadan oo markii hore howshan lacag la’aan ku bilowday ayaa waxaa soo dhoweeyey dad badan oo u qaatay in adeeg dheeraad ah loo sameeyey kasoo lagu horumarinayo Adeegga garoonka Diyaardaha.

Waa dhibaato madaxda DF ka war-qabaan, oo dad shaqo loogu abuuray, waxayna qeyb ka tahay musuq-maasuqa iyo ku tagri-falka awoodeeda ee ka jira Soomaaliya, kuwaasoo sii xoogeystay markii uu yimid xukunka Madaxweyne Farmaajo 8-dii Febuary 2017.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.