KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wafdi hordhac ah oo isugu jira ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha iyo kooxda hab-maamuuskiisa ayaa haatan ku sugan Dhuusamareeb.
MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasmiha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu bartiisa Twitter ka soo dhigay ku sheegay in Farmaajo uu galabta u safri doono Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo shirka dowladda iyo Dowad Goboleedyada.
“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh.” Ayuu yiri Cabdi Nuur.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.