Lafta-Gareen oo Sangar xil sare u magacaabey

Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay xad-gudubyo ka dhan ah bini'aadanimada iyo xasuuq loo geystay dad shacab ah xiligii doorashadda Lafta-Gareen December 2018. 

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo Sangar xil sare u magacaabey

BAYDHABO, Soomaaliya - Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-Gareen ayaa Cabdullahi Aadan Sangar loogu magacaabey taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulkiisa.

Wasiiru Dowlihii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawladda Federalka Soomaaliya ayaa noqday Madaxweynaha 2aad ee Maamulka Koonfur Galbeed December 19, 2018.

Rabshado ka dhashay xarigga Mukhtaar Roobow kahor doorashadda waxaa ku dhintay ina ka abdan 10 qof kuwaasoo booliska ay ku toogteen magaalada Baydhabo. Waxaa dadka dhintay ku jiray mudane ka tirsan baarlamanka doortay Lafta-gareen.

Roobow oo Musharax ahaa ayaa u goostay dawladda Soomaliya August 2017,  shan sano kadib markii uu ka baxay Al-Shabaab, oo hogeemiye ku xigeen iyo Afhayeen usoo noqday, waxaana inuu ka tago Kooxda ka damabeysay markii uu isaga iyo Axmed Godane is khilaafeen.

Hoos ka akhriso Wareegtadda:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.