Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Galaal

Madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo sida la sheegay ku geeriyooday weerrkii lagu qaaday Hotel Afrik

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Galaal

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Janaraal Galaal, sidoo kale waxa uu ka hadlay weerarkii ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab ee ka dhacay Hotel Afrik.

Madaxweynaha loogama baran inuu ka hadlo weerarada kooxda Al-Shabaab ay ka geysato, waxaana horay looga joojiyay booqashada goobaha kala duwan ee dalka isagoo aan ka bixin Villa Somalia amnigiisa awgiis, taasoo caddeyn buuxda u ah heerka uu gaarsiisan yahay amniga dalka xilligan aan joogno oo aad looga cabsi qabo in kooxda Al-Shabaab ay weeraraan goob kasta oo kamida magaalada muqdisho.

Madaxweynaha ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray tacsida Jananka dhintay "Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida" 

Weerarkii xalay lagu qaaday Hotel Afrik waxaa gurmad ahaan loo diray ciidamada Haramcad, kuwaasoo natiijo fiican ka keeni waayay, kaddibna waxaa galay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group kuwaasoo hub culus u adeegsaday Hotel ka oo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda weerarka geysatay oo isku kala qeybiyay dhismaha uu ka kooban yahay Hotel ka, waxayna sababtay in ciidamadu adeegsadaan hub xoog leh, taasoo sababtay in dadkii la badbaadin lahaa qaarkood ay ku dhintaan hubka culus iyo bumbooyinka ay adeegsanayeen ciidamada Alfa Group.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.