Mareykanka oo Ciidankiisa kala baxaya Soomaaliya

Go'aanka ayaa fursad siinaya Al-Shabaab, waxuuna dhabar-jab ku noqonayaa AMISOM oo mudo 13 sano ah u awood waysay inay Kooxdan dalka ka saarto.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo Ciidankiisa kala baxaya Soomaaliya

WASHINGTON - Madaxweyne Trump ayaa u sheegay la taliyeyaasha sarsare inuu doonayo inuu Ciidamada Mareykanka kasoo saaro Soomaaliya, si uu uga dhabeeyo balanqaadyadii ololaha ee ahaa inuu askarta dibadda ku sugan dib ugu soo celinayo dalkooda.

Pentagon-ka ayaa bilaabay diyaarinta qorshayaasha Madaxweynaha, waxaana howsha ku lug lahaa Lataliyaha Amniga Qaranka Robert O’Brien, Xoghayaha Difaaca Mark Esper iyo Gudoomiyaha taliyeyaasha Ciidanka Mark Milley, sida laga soo xigtay dad codsaday in magacyadooda la qariyo oo uu qoray Bloomberg. 

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga 650 ilaa 800 oo askari, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], oo ay ku jiraan askar gaar ah oo gacan ka geysanaya tababarka Ciidamada Soomaaliya. Inta badan askarta Ameerikaanka waxay dalka yimaadeen kadib markii Trump uu xafiiska yimid.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa wareysiga ku sheegay inuu jeclaan lahaa Ciidamada Mareykanka inay sii joogaan, isagoo intaas ku daray inuu rumeysan yahay in dalkiisa oo kaashanaya taageerada Mareykanka uu qarka u saaran yahay inuu ka adkaado Al-Shabaab.

"Runtii waan ka mahadcelineynaa taageerada Mareykanka, waana ku faraxsanahay waxa Mareykanka uu qabtay, waxaana jeclaan lahaa inaan aragno Ciidamada oo sii joogaya illaa iyo inta laga wiiqayo awoodda Al-Shabaab 100%," ayuu yiri Farmaajo.

Go'aanka Trump ayaa si hoose uga careysiisay Saraakiisha amniga, oo ka digaya inay Al-Shabaab ka faa'idaysato ka bixitaanka Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya, kadibna ay dib ula wareegto goobihii horey looga saarey.

Kelly Cahalan, oo ah afhayeen u hadlay Taliska Mareykanka ee Afrika, ayaa diiday inay ka hadasho joogitaanka Ciidamada mustaqbalka, laakiin waxay sheegtay in Mareykanka “ay weli ka go’an tahay la shaqeynta Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo xasilloonida gobolka ee muddada fog”.

Dad badan oo Mareykan ah ayaa laga yaabaa inay layaabaan markay ogaadaan in Ciidamada Mareykanka ay ku sugan yihiin Soomaaliya, oo ay ku xasuustaan 18 askari oo looga dilay Muqdisho sanadkii 1994.

Taasi waxay daba socotey howlgalkii "rajo-soo-celinta" kaasoo ku dhamaadey in askar Mareykan ah lagu diley kadib dagaal qaraar oo Muqdisho ka dhacay kaasoo lagu soo bandhigay buug iyo filim la yiraahdo "Black Hawk Down."

Trump ayaa Ciidamada usoo diray Soomaaliya bartamihii sanadkii 2017-ka taasoo qeyb ka ah dadaalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab, howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la qorsheeyay in uu ka baxo dalka dhamaadka sanadka soo socda.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa beegsi ku hayay Al-Shabaab lixdii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay ku dileen Koonfurta hogaamiyaal uu ku jiro Axmed Godane, oo lagu khaarijiyay September 2014 duleedka Baraawe. Shacab badan ayaa lagu xasuuqay duqeymaha drones-ka

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.