KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Farmaajo ayaa wajahaya caadis gudaha ah iyo mid caalami ah oo ku saabsan qorshihii dib u dhigista doorashooyinka iyo mudodo-korarsiga aan shariga ahayn ee uu doonayo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay ka soo horjeedo wax kasta oo muddo kordhin Farmaajo loogu sameynayo, iyadoo ku baaqday in doorashadda waqtigeeda lagu qabto.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka, ayaa safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ku sheegtay in doorashada Soomaaliya 2020/21 ay tahay in laga shaqeeyo sidii loogu qaban lagaa Waqtigeeda, islamarkaana xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee jira.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in nooca doorashada, oo hadda dood ka taagan tahay, ay tahay inay taageero ka hesho dhammaan heerarka kala duwan ee saamileyda siyaasadeed [Dowladda, Maamullada iyo Mucaaradka].
Intaa waxaa sii dheer, waxay Dowladda Mareykanka ku baaqday in wadahadallada soo socda ee Dhuusamareeb ee u dhexeeya DF iyo hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedku ay sii socdaan, ilaa laga soo saarayo nooc doorasho oo loo wada-dhan yahay.
Mareykanka waa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka gacan siiyaa la-dagaalanka Al-Shabaab, oo diyaaradihiisa duqeymo ka fuliyo goobaha ay ko xoog badan tahay Kooxdan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.