Mashquul badan oo ka jira Villa Soomaaliya

Madaxtooyadda ayaa todobaadyadii ugu dambeysay martigelinaysay kulamo siyaasadeed, oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, oo hadda heshiis laga gaarey.

Warar Keydmedia Online
Mashquul badan oo ka jira Villa Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Soomaaliya ayaa waxay noqotay meel aad u mashquul badan, oo ay kusii qulqulayaan Madax kale duwan, oo dhamaantooda ka mideysan xil-raadin iyo sidoo doorashooyinka soo socda qof walba uu kusoo noqon lahaa.

Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, isagoo kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Doorashooyinka.

Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka.

“Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Farmaajo, Madaxda Maamullada iyo duqa Muqdisho, kaasoo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Guddoonka Baarlamaaka in ay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.