Maxay Dowladda Farmaajo u cayrisay Safiirka Kenya?

Kenya ayaa Ciidamo waxay ka joogaan Gedo iyo qeybo kamid ah Jubbada Hoose, waxayna hogaamiye Axmed Madoobe ku ilaalisaa Kismaayo, iyadoo danaheeda gaar ah ku fulisato.

Warar Keydmedia Online
Maxay Dowladda Farmaajo u cayrisay Safiirka Kenya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ayaa ku amartay Safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho Lucas Tumbo inuu dalka ka baxo, iyadoo dhanka kale u yeertay Sakiirka Soomaaliya ee Nairobi Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan].

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kenya ay faragelinta qaawan ku hayso arrimaha gudaha dalka, taasoo dhibaato ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka.

Kenya ayaa cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee Doorashooyinka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaareen Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

"Dhaqamada Kenya waa kuwa ka baxsan curfiga diblomaasiyadeed ee dalal ay ka dhaxayso dano iyo darisnimo, waana dhaqan ka baxsan dhammaan axdiyada iyo heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, sidaas darteed, waxaan latashi ugu yeernay Danjire Maxamed Axmed Nuur Tarzan, waxaana la farayaa Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo inuu dalkiisa wadatashi dib ugu laabto," ayaa lagu yiri qoraalka.

Go'aankan ayaa yimid kadib markii shalay Axmed Madoobe uu sheegay in Farmaajo uu jebiyay qodobada heshiiskii doorashadda, isagoo sidoo kale iclaamiyay in aan Jubbaland doorashada ka qeybgalaynin.

Kenya ayaa Ciidamo waxay ka joogaan Gedo iyo qeybo kamid ah Jubbada Hoose, waxayna hogaamiye Axmed Madoobe ku ilaalisaa Kismaayo, iyadoo danaheeda gaar ah ku fulisato.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.