Midowga Afrika oo war ka soo saaray hannaanka doorashada iyo shirkii Dhuusamareeb

Ururada taageero Soomaaliya ayaa qodobadii laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb u arka talaab horey loo qaaday.

Warar Keydmedia Online
Midowga Afrika oo war ka soo saaray hannaanka doorashada iyo shirkii Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Midowga Afrika ee taageera Soomaaliya ayaa lagu sheegay in AU uu soo dhaweynayo shirkii dhawaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu taageerayo qodobadii kasoo baxay shirkaas iyo guddiyada farsamo ee labada dhinac ka imaanaya, kuwaasoo ka baaran dagayo hanaanka doorasho ee dalka oo haatan lagu jahwareersanyahay.

“Guddiga Midowga afrika wuxuu qorayaa oo soo dhaweynayaa kulanka udhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Xubnaha ka ah Dowlada ee ku shiray Dhuusamareeb, waxaana lagu dhiiri gelinayaa isbadalada hogaamiyaasha in la sameeyo guddiga farsamo ee kahadlaya qaab dhismeedka doorashada 2020″ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Midowga Afrika.

Shirkii u dhaxeeyay dowladda iyo dowlad goboleedyada ee 19-22 bishan ka dhacay Dhuusamareeb ayaa inta badan taageero loo muujiyay, waxaan horey u taageeray wakiilada Beesha caalamka u joogo Soomaaliya, war murtiyeed ka soo saaray.

Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa 15 Bisha soo socto mar kale wejiga saddexaad ee shirka isugu tagi doono Dhuusamareeb, waxaana ka qeybgalaya Axsaabta mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.