Midowga Yurub oo Dhaqaalaha ka jartay dowladda Farmaajo

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo badan, Midowga Yurub wuxuu hakiyay taageerada miisaaniyadda ee dowladda uu hogaamiyo Farmaajo sababo la xiriira musuqmaasuqa doorashada soo socota, dhibaateynta suxafiyiinta, iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo Dhaqaalaha ka jartay dowladda Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub oo kamid ahaa deeq-bixiyaasha ugu waaweyn ayaa albaabada kasoo xirtay Farmaajo oo mudo xileedkiisa uga haray wax ka yar labo bilood.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo badan, Midowga Yurub wuxuu hakiyay taageerada miisaaniyadda ee dowladda uu hogaamiyo Farmaajo sababo la xiriira musuqmaasuqa doorashada soo socota, dhibaateynta suxafiyiinta, iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Ilo wareedyadu waxay intaas ku darayaan go’aanka uu ka yimid Gudi sare oo kamid ah qeybta Adeegga Dibedda ee EU, waxaana loo gudbiyay dowladda Soomaaliya, oo lagu wargeliyay in laga joojiyay deeqaha dhaqaale.

Tallaabada Midowga Yurub waxay daba socotaa khilaafka dowladda iyo Musharixiinta Mucaaradka, ee ku saabsan dhismaha Guddiga Doorashooyinka oo Villa Somalia u martay wado sharci darro ah, sida inay kusoo dartay NISA iyo shaqaalaha rayidka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay 14-kii bishan Mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeeday Madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo lagu eedeeyay inuu wado qorsho uu ku boobayo doorashadda dalka.

Midowga Yurub ayaa markii arkay habdhaqanka kaligii-talisnimada ku dhisan ee Farmaajo wuxuu hakiyay boqolaal milyan oo Yuuroo oo lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.

Ma cadda haddii saaxiibada kale ee Soomaaliya sida Mareykanka iyo Ingiriiska ay qaadi doonaan tallaabo taa la mid ah, si dalka looga hortago in dhaqaalahooda Farmaajo u adeegsado fowdo iyo awood-marooqsi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.