Muuse Suudi: Farmaajo dalkaan wanaag kama rabo

Muuse Suudi oo katirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in Muqdisho uu ka socdo heshiis aan Hawiye qeyb ka ahayn, oo hogaamiyeyaasha daarood ay ku gaarayaan magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Muuse Suudi: Farmaajo dalkaan wanaag kama rabo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho kawado heshiis isaga iyo Maamullada Daaroodka ee Puntland iyo Jubbaland u dhaxeeya, kaasoo laga saarey Beelaha Hawiye Maamulladooda, sida uu sheegay Muuse Suudi oo katirsan Senate-ka.

Isagoo ka hadlay Aqalka Sare xili uu booqasho ku joogay Shalay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Muuse Suudi wuxuu caddeeyay in Farmaajo uusan dalka wanaag ka rabin, islamarkaana uu hogaankiisa noqday mid beelo gaar ah loogu adeeggo.

"Annagu waxaan aragnaa Heshiis Hawiye aan qeyb ka ahayn inuu meesha ka socdo, waxaana samaynaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalkaan wanaag ka rabin, ku tagri-falkii uu nagu tagri-falaayay ayuu nagu hayaa" ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow.

Hadalka Muuse Suudi ayaa imaanaya iyadoo Muqdisho ay ku kulmayaan Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe, iyadoo aan shirkooda ku casuumin Madaxda Maamullada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taasoo dad badan u arkaan qorsho qabyaaladaysan.

Wadahadallada ayaa lagu soo beegay xili aan dalka ka jirin Xukuumad rasmi ah, islamarkaana Madaxweynaha magacaabin Ra'iisul Wasaarihii qaban lahaa shaqooyin marxaladda kala-guurka looga baxayo, oo doorasho lagu gaarsiinayo Soomaaliya.

Su'aalaha dadka is-waydiinayaan ayaa ah muxuu Farmaajo u daahiyay magacaabista Ra'iisul Wasaaraha?, muxuu yahay qorshaha uu ka damacsan yahay?, yaase fulin doonin heshiisyada laga gaarayo doorashooyinka?

Xaaladda kala-guur amnigii ayaa faraha ka baxay, musuq-maasuqii ayaa xargaha goostay, waxaana joogsatay shaqadda dowladda, iyadoo Farmaajo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay, maadaama uusan diyaar u ahayn inuu RW magacaabo, sidoo kalena doorasho dhacdo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.